4407 Views

Axmed Madoobe oo Kismaayo ku soo laabtay

Axmed Madoobe oo Kismaayo ku soo laabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 07, 2018 – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo maalmaahan ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubabda Hoose.

Axmed amdoobe ayaa intii uu maqnaa waxa uu safari kala duwan uu ku kala bixiyey Wadamada Kenya iyo Itoobiya,waxan Madaxtooyada Jubbaland ay shaacisay in howlo Caafiamad uu u maqnaa.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Maanta Kismaayo waxaa loogu soo dhaweeyey si ka duwan sidii hore,waxna magalada lagu arkay Gaadiidka dagaalka,mootiiyin,iyada oo sidoo kale Ardayda Iskuulada ay soo dhaweynta ka qeyb qaateen.

Soo dhaweyntaas ayaa dadka qaarkood waxa ay ku tilmaameen mid dhoolatus u ah Xisbi mucaad ku ah Axmed Madoobe, oo shalay looga dhawaaqay muqdisho  kaas oo uu Madax u yahay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Cabdullaahi Cilmooge Xersi.

Axmed Madoobe aya safarkiisii ugu dambeeyey waxa uu ku tegay dalka Itoobiya,waxa uuna la kulmay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya,iyada oo sidoo kale uu Xabsiga ku booqday Cabdi Kariin Muuse Qali Dhagax oo ka tirsanaa Ururka ONLF  basle ay dowladda Soomaaliya ay wareejisay.

ahmed-madoobe-kismaayo-6 ahmed-madoobe-kismaayo-5 ahmed-madoobe-kismaayo-4 ahmed-madoobe-kismaayo-3 ahmed-madoobe-kismaayo-2 ahmed-madoobe-kismaayo-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment