1980 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo Brussels kula kulmay wafdi ka socday Dowladda Mareykanka

Madaxweynaha Jubbaland oo Brussels kula kulmay wafdi ka socday Dowladda Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 176, 2018 –  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe)  iyo wafdigiisa ee ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa maanta kulan gaar ah la qaatey xubno ka socdey Wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka.

Kulankan ayaa lagaga wada hadley xoojinta la dagaalanka Alshabaab iyo gaarsiinta adeegyada muhiimka ah deegaanada Ciidamada Jubbaland ay ka saareen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland oo weli ku sugan Brussels ayaa inta uu ku sugan yahay waxa uu sidoo kale kulamo la qaadan doonaan Madaxda ka kala socota Wadamada Caalamka ee shirkaasi ka qeyb galaya.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment