258 Views

Dowlad goboleedka HirShabeelle oo faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaal beeleedka ka qarxay aaggaa degmada Cadale

Dowlad goboleedka HirShabeelle oo  faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaal beeleedka ka qarxay aaggaa degmada Cadale
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 14, 2022

 – Dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaal beeleedka ka qarxay aaggaa degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Wasiirka arrimaha dib u heshiisiinta ee maamulka Hirshabeelle Cabdullaahi Cadde oo la hadlay BBC ayaa sheegay in qiyaastii 30 oo reer miyi ah lagu dilay dagaalladii aagga Cadale ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

“Waan ka tacsiyeyneynaa dadkii ku geeriyooday dagaaladii dhacay, dadka dagaalamaya waa walaalo, ma sheegi karno waxa sababay in maalin kasta wiilal dhalinayaro ah colaadaan loo aaso,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dib u heshiisiinta ee maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale wasiirka ayaa odayaasha dhaqanka iyo culumada ugu baaqay in colaadaan ay ku baxaan, si loo demiyo, “Dadku waa maleeshiyaad oo tira koob lagama hayo, laakiin dhimashadu waa 30 qof,” ayuu yiri.

Wasiirka Cabdullaahi Cadde ayaa sheegay in colaada halkaas ka jirta ay dhowr weji leedahay, “Sanadihii dambe qabaa’ilku siyaabo kala duwan ayey u dagaalameen, qeyb dhul beereed isku heysata, qeyb daaqsin isku heysata iyo kuwa waxa ay isku dilayaan aan garaneyn ayey isugu jiraan dadkaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in maalmaha soo socda Cadale la dhigayo gogol xal looga gaarayo colaadaan, taas oo madaxweynaha HirShabeelle uu garwadeen ka noqonayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post