2601 Views

Qaraxyo ka dhacay duleedka Balcad & faah faahin kasoo baxeysa

Qaraxyo ka dhacay duleedka Balcad & faah faahin kasoo baxeysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 24da Maarso, 2021-Qaraxyadan oo laba ahaa ayaa waxaa ay ka dhaceen wadada xiriirisa degmada Balcad & Tuulada gololeey ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ka dhashay qaraxyada khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxyada lala eegtay Kolonyo ka tirsan Ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM oo ku socdaalayay wadadaas, isla markaana ay maqlayeen jugta qaraxyada.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxyada kadib Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas farabadan wallow aysan cid wax ku noqon maadaama halka qaraxyada ay ka dhaceen ay tahay Goob cidlo ah oo ay beero kaliya ku yaalaan .

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaas, waxana warar lagu qoray Baraha Intenet-ka  ee taageera lagu sheegay in la gubay laba kamid ah Gaadiidka Ciidamada AMISM wallow aysan jirin cid xaqiijisay.

Wadada xiriiisa Magaalada Jowhar & degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay qaraxyo iyo weraro toos ah oo qaarkood lagu dilay mas’uuliyin ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post