720 Views
____________________________________________________________________________

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo  xaflad dhiira galin ah u sameysay arday ka qalin jabisay Dugsiga Sare

June 5 2021

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa xaflad dhiira galin ah u sameysay arday ka qalin jabisay Dugsiga Sare, oo qaraashaadkii waxbarashada ay ka taageeri jirtay.\

Xafladda Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ku dhiiri galineysay Ardaydan 28-ka gaaraya oo 15 kamid ah ay gabdha yihiin isla markaana kamid ah 100 arday oo hay’addu ka bixiso qarashaadka dugsigii hoose, kii dhexa iyo kan sare kuwaasoo ay gacanta ku hayso jamciyada Sohedaa ayaa waxaa kaso qeyb galay, Madax ka tirsan Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Xildhibaan Yuusuf Jimcaale, Waalidiin, Abwaano iyo Ardayda la dhiiri galinayay

Ugu horreyn ayaa waxaa Munaasabadda ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi Kobac oo ku dhiir galiyay ardayda inay sii wadaan waxbarashada oo muhimad gaar ah u leh bulshada iyo waalidiinta ku soo dadaalay iyadoo Hey’ada Hormuud Salaam Foundation ay mar walba garab taagantahay.

Sido kale waxaa xafladda ka hadlay Gudomiyaha Jamciyada Soheda  Xildhibaan Yuusuf Jimcaale asagoo aad ugu mahad celiyay Hey’adda Hormuud Salaam Foundation maamulka iyo shaqaalaha shirkada Hormuud.

 Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay waalidiin qaar kamid ah ardayda hay’adda Hormuud Salaam Foundation dhiiri galinta u sameysay eek a qalin jabiyay dugsiga sare abwaano iyo marti sharaf kale oo intaba u mahad celiyay Hey’adda Hormuud Salaam Foundation.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post