678 Views

Imaaraadka Carabta xubin aan Joogto ah ka Noqday Golaha Ammaanka ee QM

Imaaraadka Carabta xubin aan Joogto ah ka Noqday   Golaha Ammaanka ee QM
____________________________________________________________________________

June 12 2021

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waxay 179 cod ugu doorteen Imaaraadka Carabta xubin aan Joogto ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM  ee sanadaha 2022-ka ilaa 2023-ka.

Kulankii 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Maanta oo Jimco ah yeesheen Fadhi qarsoodi ah oo lagu doortay 5 Xubnood oo cusub ee xubnaha aan Joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee sanadaha 2022 ilaa 2023, iyadoo Dowladda Imaaraadka Carabta u sharxanayd Kursiga Kooxda dowladaha Qaaradda Aasiya iyo kuwa ku xeeran Badweynta The Pacific Ocean.

Dowladda Imaaraadka waxay Kursiga xubin aan Joogto ahayn ka noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadkii 1986-dii ilaa 1987-dii.

Dhinaca kale,  dalalka Albania, Brazil, Gabon iyo Ghana ayaa iyagana loo doortay Xubnaha dalalka aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee sanadaha 2022-ka ilaa 2023-ka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post