489 Views

Boqortooyada Sucuudiga oo diyaaradaha Israel u oggolaatey in ay isticmaalaan hawadooda

Boqortooyada Sucuudiga oo diyaaradaha Israel u oggolaatey in ay isticmaalaan hawadooda
____________________________________________________________________________

Sabti: July 16, 2022

Sacuudi Carabiya ayaa shalay  ku dhawaaqday inay qaadayso xannibaadaha “dhammaan gadiidka” isticmaalaya hawadeeda iyo biyaheeda, ee Israaiil ay lee yihiin taasoo ah tilmaan muujineysa hordhaca xiriirka labada dal ka hor imaanshaha madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ee magaalada Jidda gelinka danbe ee maanta.

Sucuudiga oo ah dalka hoggaamiya dalalka Muslimiinta ayaa diidanaa aqoonsiga iyo jiritaanka Yuhuuda, xooga ku haysta dhulka Falastiin.

Biden si degdeg ah ayuu u soo dhaweeyey tallaabadan. Bayaan ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Biden uu “soo dhaweynayo isla markaana uu bogaadinayo go’aanka taariikhiga ah” ee Sacuudiga uu ku qaaday xayiraadda saaran dhammaan maraakiibta iyo diyaaradaha Israel.

Hay’adda duulista rayidka ah ee Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay “go’aanka lagu furayo hawada Boqortooyada Sucuudiga dhammaan diyaaradaha rakaabka iyo xamuulka ee israel ee buuxiya shuruudaha duullimaadyada fasax ayey u yihiin”, ayaa lagu yiri qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka.

Boqortooyada Sucuudigu ma aysan muujin wax mucaarad ah markii xulafadooda gobolka, sida Imaaraadka Carabta, ay xiriir diblumaasiyadeed la sameeyeen Israel 2020, waxaana ku xigay Baxreyn iyo Morooko sida uu dhigayo heshiiskii Abraham ee uu Mareykanka dhexdhexaadinayay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post