2001 Views

Mid ka mid ah waxgaradka Guriceel oo ka hadlay kursiga HOP 147 ee ay ku tartamayaan Cali yare & Mahad Salaad

Mid ka mid ah waxgaradka Guriceel oo ka hadlay kursiga HOP 147  ee ay ku tartamayaan  Cali yare & Mahad Salaad
____________________________________________________________________________

Sebti, 12 Juun [Qaranimo Online] Iyada oo aan weli si rasmi ah loo guda gelin ololaha doorashada labada aqal ee Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, ayaa waxaa laga dareemayaa Muqdisho in durba ay billaabeen qaar ka mid ah ragga quud-dareynaya in ay Baarlamaanka soo galaan & kuwa doonaya in dib loo doorto ololahooda.

Cali Cabdi Wardheere [Cali yare] oo ah Guddoomiye ku-xigeenka ammaanka Gobolka Banaadir ayaa ka mid ah shaqsiyaadka billaabay dhoolatuska siyaasadeed, isaga oo u xusul-duubaya inuu ku soo baxo kursiga HOP 147, waxaanna dadka kursigaasi kula tartamaya ka mid ah Xildhibaan Mahad Salaad oo kursigaasi ku fadhiyey muddo 8 sanno ka badan, haatanna doonaya in dib loo doorto.

Cabdullaahi Maxamed Geeddi oo ka mid ah dadka degan deegaanada ay codka kalsoonida ka doonayaan Mahad & Cali yare ayaa ku tilmaamay labada mudane in ay yihiin kuwa ku caan baxay ka shaqeynta danahooda gaarka ah, oo aysan xisaabta ugu jirin danta guud, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadku marka ay xildhibaan dooranayaan sida qaalibka ah, waa ineey horyimaadaan bulshada ay ku doodayaan in ey metelaan, ayna fursad u helaan in ay wax walba weydiiyaan. Mahad Salaad maalintii la doortay ilaa maanta dib uguma soo laaban dadkii uu metelayay. Marna Xassan Sheekh ayuu u shaqeynayay, 4-tii sanno ee u dambeeysay-na shaqadiisu waxay ahayd inuu baraha bulshada ka caayo Farmaajo markii uu ka waayay dantiisa shaqsiga ah, annagu qof naftiisa u daneynaya dooni meyno’e qof dadkiisa u qidmeynaya ayaan dooneynaa” Ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Geeddi oo ka tirsan waxgaradka Guriceel, isaga oo u waramayay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ah, wuxuuna intaasi raaciyay in ay aflagaado & ceeb ku tahay magaca & qiyamka beesha “Ayaanle Cayr” in siyaasadii dalka ay ku metelaan Cali yare & Mahad Salaad, waayo buu yiri waxaa jira boqolaal kun oo mutacalimiin & siyaasiyiin bisil ah oo beeshaasi ka soo jeeda, ayna tahay in fursad la siiyo.

“Bulshadu marka ay doortaan in ay iyaga indhaha iska tuuraan cidna kama celin karto. Cidda maanta u ololeyneysa Cali Cabdi Wardheere [Cali yare] inuu xildhibaan noqdo ma ogtahay in Cali yare uu aamisan yahay inuu yahay hanti Farmaajo leeyahay, una yahay adeege daacad u ah, wax dan & maslaxad ah oo uu dadkiisa ku soo kordhinaayo na aysan jirin, qofka sidaa ah siddee loogu sacbinayaa inuu kursi u hanqal-taago, kursigan waxaa geeya shaqsi madax-bannaan, isla markaana aaminsan inuu dadkiisa adeege u yahay, marka ay Soomaalinimo joogtana Qaranka u shaqeynaya. Reer Ayaanle waxaan leeyahay waxaad tihiin dad magac & sharaf ku leh taariikhda dalkan ee ha ogolaanina in ay idin hogaamiyaan dad dad kale dusha ku sita ” Ayuu yiri Cabdullaahi.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post