741 Views

Cumar Filish oo kormeeray wadada xiriirisa xarunta Beerta Nabada ilaa isbitaalka Martiini

Cumar Filish oo  kormeeray wadada xiriirisa xarunta Beerta Nabada ilaa isbitaalka Martiini
____________________________________________________________________________

Axad: September 26, 2021

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray wadada xiriirisa xarunta Beerta Nabada ilaa isbitaalka Martiini oo kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee burbursan.

Wadadan oo si weyn u bur bursan ayaa maamulka gobolka Banaadir dhawaan ka fulin doonaa mashruuc dib loogu dhisayo, si isticmaalkeeda ay uga faa’ideestaan bulshada iyo gaadiidka isticmaala.

Inta uu kormeerka socday ayaa Gudoomiye Cumar Filish waxa uu faray maamulada degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamar Weyne in ay qaataan kaalintooda ku aadan fududeenta dhismaha wadadaasi isagoo dhanka kale ka dhageestay warbixina quseeya caqabadaha jira.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa horey u balan qaaday in maamulkiisa uu xooga saari doono dhismaha wadooyinka Caasimadda si kor loogu qaado bilicda iyo fududeenta isku socodka magaalada.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post