933 Views

IMF oo $ 309 Milyan ugu deeqday dal ku yaalla Afrika

IMF oo $ 309 Milyan ugu deeqday dal ku yaalla Afrika
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 25 2020–Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ku dhawaaqday bixinta gargaarka degdegga ah $ 309 Milyan Mozambique si looga caawiyo la dagaallanka cudurka faafa ee coronavirus.

 

War kasoo baxay ayaa lagu sheegay  inuu saameyn weyn ku yeelan doono dhaqaalaha dalka Mozambique.

 

IMF ayaa sheegtay in dalkaasi uu horay ula daaladhacayay Musiibo ka dhalatay labo duufaan oo ku dhufatay Sanadkii 2019-ka.

 

IMF ayaa sheegtay in lacagtaan lagu taageeri doono Adeegyadda Caafimaadka.

 

Dalka Mozambique ayaa laga xaqiijiyay 65 Kiis oo Corona Virus ah ,ilaa iyo hadda ma jirto wax dhimasho ah, waxaana Cudurka ka bogsaday 12 ruux sidda ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment