363 Views

Duqa Caasimadda oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda hey’adda IOM

Duqa Caasimadda oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda hey’adda IOM
____________________________________________________________________________

Axad: June 18, 2022

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda hey’adda IOM ee Soomaaliya, kulankaas oo uu goob joog ka ahaa xog’hayaha guud ee maamulka gobalka Banaadir iyo Xaririiyaha Arrimaha Baniaadanimada ee Xafiska Xalka Waara ee Gobalka Banaadir.

U jeedka kulankan ayaa ahaa sidii loo dardargalin lahaa dhismaha dhul baaxad leh oo ku yaala degmada Hiliwaa kaas oo ay Dowlada Hoose ee Muqadishu bixisay dhul ay ugu talagashay in lagu deegaameeyo ama Dib-udajin loogu sameeyo dadka Barakacyaasha ah ee kunool Caasimadda.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa tilmaamay in dhismaha dhulkaas u qeyb ka qaadan doono daryeelka dadka Barakacayaasha ah, Bilicda Caasimadda iyo Nabadgalyada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post