990 Views

Rooble oo hambalyo u diray Senaterrada maanta ku guuleystay doorashada Golaha Aqalka Sare ee Somaliland.

Rooble oo  hambalyo u diray Senaterrada maanta ku guuleystay doorashada Golaha Aqalka Sare ee Somaliland.
____________________________________________________________________________

Arbaco: September 29, 2021

Saacado kadib markii ay dhacday Doorashada aqalka sare ee Gobolada waqooyi, waxaa hambalyo u diray Raisal Wasaaraha Sopomaaliya.

Rooble  ayaa u hambalyeey lixda Sanoter Aqalka Sare ee doorashadooda Maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Rooble oo boggiisa Facebook qoraal ku soo daabacay ayaa waxaa uu ku yiri “Waxaan hambalyo u dirayaa Senaterrada maanta ku guuleystay doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, ku matalaya gobollada Waqooyi (Somaliland) ee kala ah;

1-Cabdi Xaashi Cabdullaahi

2-Saalax Axmed Jaamac

3-Cabdi Ismaaciil Samatar

4- Abokor Dubbe

5-Layla Axmed Ismaaciil

6-Bilaal idiris Cabdullaahi”

Sidoo kale waxaa uu u mahadceliyay dhamaan dadkii ka qeyb qaatay doorashada iyo ergada doorashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post