240 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Boosaaso kadib socdaalka caddale

Madaxweyne   Xasan Sheekh oo maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Boosaaso kadib socdaalka caddale
____________________________________________________________________________

Khamiis: NOVEMBER 24, 2022

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda soo gaaro magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu daah-furo balaarin lagu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Bosaso.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Feraalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu tabbar u faro ciidamo heer federaal ah oo ay tababarayso Imaaraatka Carabta.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku sugan magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka ayaa lagu wadaa in uu ka dego Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post