957 Views

Mid ka mid ah Isbitaallada ugu weyn Muqdisho oo la xiray

Mid ka mid ah Isbitaallada ugu weyn Muqdisho oo la xiray
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 11, 2020 –Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Qaar ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho waxaa la xiray inta badan Qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

 

Waxa ay sheegeen in ay guud ahaan ay joojiyeen qaabilada Bukaanada imaan jiray Isbitaalka sababo la xariira Cudurka Corona Virus .

 

Waxaa kaliyah oo furan qeybta loogu tala galay Gurmadka deg deg ah gaar ahaan dadka kusoo dhaawacma Qaraxyada.

 

Waxaa sidoo kale karantiil la galiyay Dhaqaatiir, Shaqaalle iyo howladeeno ka tirsan Isbitaalka Digfeer oo looga Shakiyay Corona Virus.

 

Warar kale oo ay heshay Risaala ayaa sheegaya in laga yaabo in isbitaalka uu ka mid noqdo goobaha lagula tacaali doono bukaanada Corona Virus.

 

Saddex ka mid ah dadkii shalay laga helay Corona Virus ayaa ka howlgalayay Isbitaalka digfeer ee Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment