366 Views

Talo uu soo jeediyay ninka adduunka ugu taajirsan oo ka careysiisay Taiwan

Talo uu soo jeediyay ninka adduunka ugu taajirsan oo ka careysiisay Taiwan
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 10, 2022

Xukuumadaha Beijing iyo Taipei ayaa jawaabay ka dib markii maal-qabeenka adduunka Elon Musk uu sheegay in Taiwan ay noqoto aag maamul oo gaar ah oo Shiinaha ka tirsan.

Ninka ugu taajirsan adduunka ayaa wareysi uu siiyay Financial Times ku sheegay inuu rumeysan yahay in labada dowladood ay gaari karaan qorshe “macquul ah oo la aqbali karo”.

Safiirka Shiinaha ee Maraykanka ayaa ammaanay Musk balse dhiggiisa Taiwan ayaa sheegay in xorriyadda “aanay iib ahayn”.

Taiwan waa maamul gaar ah laakiin Beijing ayaa ku anddacoonaysa inay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda.

Toddobaadkii hore, Musk ayaa waxa uu sidoo kale lagu dhaleeceeyay ra’yi uruurin uu ku soo bandhigay Twitter-ka ah taas oo uu ku soo jeediyay indagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, la soo afjaro xukuumadda Kyiv-na inaydhul u oggolaato Moscow.

Hadalka Mr Musk ayaa imaanaya iyadoo shirkaddiisa Tesla ee baabuurta korontada ku shaqeysa ay faa’iido badan ka sameeyay iibkeeda Shiinaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post