87 Views

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray dhismaha Qeybta Baarista Danbiyada ee C.I.D

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray dhismaha Qeybta Baarista Danbiyada ee C.I.D
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee qeybta baarista danbiyada ee C.I.D oo lagu soo kordhiyey qalab casri ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhismahan cusub uu qeyb weyn ka qaadan doonno Horumarinta caddaaladda iyo ka hortagga danbiyada, xukuumadduna ay mudnaan gaar ah siineyso tayeynta iyo horumarinta caddaaladda oo muhiim u ah dalka.

“Boolisku waa isha laga arko dal horumarkiisa iyo caddaaladdiisa, si taas loo xaqiijinaya waa muhiim in la tayeeyo booliska iyo caddaaladda dalka oo ah labo qeybood oo iskaabaya.” ayuu yiri Mudane Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeerey qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay dhismaha cusub, ayaa uga mahadceliyey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo hey’adihii gacanta ka geystay hirgelinta dhismaha cusub ee loo sameeyey Hey’adda Baarista Danbiyada ee C.I.D.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post