837 Views

Mareykanka oo shaki ka muujisay suurtagalnimada Itoobiya ka dhacdo doorasho Xalaal ah

Mareykanka oo shaki ka muujisay suurtagalnimada Itoobiya ka dhacdo doorasho Xalaal ah
____________________________________________________________________________

June 12 2021

Dowladda Mareykanka waxa ay shaki ka muujisay suurtagalnimada in ay Itoobiya ka dhacdo doorasho lagu kalsonaan karo.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka war ka soo baxay ayaa waxaa walaac looga muujiyay xaaladda dalka Itoobiya ka hor doorashada lagu wado in ay ka dhacdo bishan aanu ku guda jirno.

Warka ka soo baxay wasaarada ayaa lagu sheegay in xasaradaha qowmiyadaha ku saleysan ee xilgan dalkaasi ka taagan iyo xariga sabab la’aanta ah ay shaki galinayso kalsoonida doorashada lagu qabi karo.

Xukuumadda Washington ayaa intaa ku dartay in xariga loo gaysto shaqsiyaadka ka tirsan mucaaradka iyo dhibaataynta warbaahinta madaxa banaan ay caqabad ku tahay in dalkaasi ay ka dhacdo doorasho xaq iyo xor ah.

Ned Price oo ah afhayeenka wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in kala qeybsanaanta gobolada iyo qowmiyadaha dallkaasi ay halis ku tahay midnimada dalka Itoobiya.

Mareykanka ayaa horey ugu hanjabay in uu xayiraad dhanka safarada ah ku soo rogi doono madax ka tirsan dowladda Itoobiya.

Doorashooyiinka dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay dhacaan 21 bishan aau ku guda jirno.

Rai’sul wasaare, Abiy Axmed, ayaa doonaya in mar labaad uu noqdo rai’sul wasaaraha dalkaasi.

Doorashooyinkan ayaa dhacaya iyada ay wali xasilooni daro ka jirto gobolka waqooyiga dalkaasi ku yaalla ee Tigrey.

Doorashooyiinka dalka Itoobiya ayaa dhowr jeer dib loo dhigay taasi oo ay shaki badan ka muujiyeen mucaaradka.

Dhanka kale waxaa laga dayrinayaa xaaladda bina’aadanimo ee dadka gobolka Tigrey.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 33,000 oo caruur ah ay ku habsatay nafaqadaro baahsan ayna qarka u saaran yihiin in ay ku dhintaan gobolka Tigrey.

Gobolka Tigray ayaa waxaa halakeeyay dagaal u dhaxeeya dowladda iyo xoogaga TPLF islamarkana waxaa ku brakacay 1.7 milyan oo qof tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay November 2020.

Militariga Itoobiya ayaa horey loogu eedeeyay in ay xadgudubyo ay ka geysteen gobolka Tigrey, taasi oo ay dowladda Itoobiya beenisay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post