918 Views

Soomaaliya oo loo ansixiyay lacago looga jawaabayo COVID-19

Soomaaliya oo loo ansixiyay lacago looga jawaabayo COVID-19
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 2, 2020-Websaytka Khaaska u ah Sanduuqa Horumarinta Afrika ee ADF ayaa lagu daabacay in Guddiga Agaasimayaasha ee Sanduuqa Horumarinta Afrika ay u ansixiyeen dalal ay ku jirto Soomaaliya lacag loogu talo galay ka jawaabida Coronavirus oo dalal badan laga helay.

Lacagtaas dhan 9.52 million oo Dollar ayaa qeyb ka aheyd 10 million oo Dollar ee Ka-hortaga Degdegga ee COVID 19,taas oo Guddiga Agaasimayaasha ee Sanduuqa Horumarinta Afrika ayu ansixiyeen 12 dal.

Sida ay guddiga shaaciyeen lacagtaas ayaa waxaa loo qoondeeyay in la siiyo dalalka kala ah, Somalia, Jabuuti,Kenya, Sudan, Ruwanda, Ethiopia, Jesiiradaha Komooros, Tanzania, Burundi, Uganda iyo South Sudan,waxaana qorsuhu yahay in lagu tababaro Shaqaalaha Caafimaadka iyo in lagu iibiyo waxyaabo ay kamid yihiin Qalabka lagu baaro COVID 19.

Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF) oo Xaruntiisa Dhexe ay ku taallo Caasimadda dalka Tunisia ee Tunis, ayaa War kasoo baxay waxaa lagu sheegay in Maalgelintaasi loo adeegsanayo Xoojinta Nidaamka Caafimaadka, La-socodka Warbixinada Cuddurada, Xoojinta Ka-hortaga iyo Kontoroolka Caabuqa.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post