1245 Views

Janaraalka reer Libya Khalifa Haftar oo shaaciyay in uu tartamayo doorashada madaxtinimada dalkaas

Janaraalka reer Libya Khalifa Haftar oo  shaaciyay in uu tartamayo doorashada madaxtinimada dalkaas
____________________________________________________________________________

Talaado: November 16, 2021

Janaraalka reer Libya, Khalifa Haftar ee hoggaamiyo ciidamada fadhigeedu yahay bariga dalkaas ayaa shaaciyay in uu tartamayo doorashada madaxtinimada ee lagu wado in la qabto bisha nagu soo aadan.

Khudbad uu teleefishinka ka jeediyay, Janaraal Haftar wuxuu sheegay in doorashada ay tahay waxa kaliya ah ee Libya ka saari karo qalalaasaha iyo jahwareerka.

Dacwad oogaha militeriga Libya, Maxamed Gharouda, ayaa sheegay in horey uu uga codsaday mas’uuliyiinta guddiga doorashada in Janaraal Haftar ay ka hor istaagaan ka qeybgalka doorashada maadama uu weerar kusoo qaaday caasimadda Tripoli sanadkii 2019.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post