1482 Views

Shirka xeer ilaalinta dalka oo ka furmaya Baydhabo

Shirka xeer ilaalinta dalka oo ka furmaya Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 21-2019 —Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo shir sanadeedka ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Xeer ilaaliyaasha Dowlad Goboleedyada dalka sida Jubbaland,Hirshabeelle,Puntland,Galmudug iyo Koonfur Galbeed,kaasi oo socon doona Muddo Seddax maalmood.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yusuf Axmed ayaa lagu waddaa in uu furo Shirka.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa xeerilaalinta Soomaaliya iyo Maxkamadda Sare.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment