1179 Views

dalka Indonesia oo foolkaanooyiinka ka qarxay iyo digniin u direen shirkadaha diyaaradaha, maadaama ceyryaamo ay halkaasi qarisay

dalka Indonesia oo  foolkaanooyiinka ka qarxay iyo  digniin u direen shirkadaha diyaaradaha, maadaama ceyryaamo ay halkaasi qarisay
____________________________________________________________________________

Sabti: December 4, 2021

Waxaa markii labaad muddo bilo gudahood dadka ku nool jasiiradda Java ee dalka Indonesia ay bilaabeen inay ka cararaan daruur aad u wayn oo cirka qariyay kadib markii ay qarxday foolkaano.

Goob joogayaal ayaa sheegay in roobab xooggan oo dambas foolkaanooyin ah wata ay ka da’een buurta Semeru kuwaasi oo qorraxda qariyay.

Khubarada la socodka foolkaanooyiinka ayaa digniin u dirtay shirkadaha diyaaradaha, maadaama ceyryaamo ay halkaasi qarisay.

Dadka deegaanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in la jaray waddooyiinka iyo buundooyiinka ku yaalla aagaasi, iyagoo intaas ku daray in xaaladdu ay ka sii dareyso.

Qaraxan Foolkaanada ayaa dhacay saaka aroortii , waxaana maamulka deegaanka uu ku dhawaaqay in la xiray goobta uu qaraxu ka dhacay iyo meelo ilaa 5 KM u jira jasiiradaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post