777 Views

Ergooyinka Taalibaan iyo Dowladda Afganistan oo shirkii ka socday dalka Qatar ku kala tagay.

Ergooyinka Taalibaan iyo Dowladda Afganistan oo shirkii ka socday dalka Qatar ku kala tagay.
____________________________________________________________________________

Isniin: july 19, 2021

Shirka Wafuuda labada dhinac uga socday Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa ayaa ku guul-daraystay inay Heshiis Xabbad-joojin gaaraan muddada lagu jiro Maalmaha Ciidda Al-Adxa oo berrito loo dabaaldegayo.

Afhayeenka Xafiiska Ururka Daalibaan ku leeyihiin Caasimadda Qatar, Maxamed Naciim ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, Kulan 2 maalmood oo ay Ergooyinka Taalibaan iyo Dowladda Afganistan yeesheen.

Waxa uu xusay in lagu heshiis waayey Xabbad-joojin iyop in Maxaabiista Taalibaan la sii daayo.

Warar ayaa sheegaya in ay suurtogal tahay in la gaaro Heshiis Xabbad-joojin socon doonta maalmaha lgu guda-jiro Ciidda, balse, ma jiraan war rasmi ah oo Ururka Daalibaan xaqiijiyeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post