807 Views

Mareykanka oo looga dhawaaqay in laga soo saaray Daawo u roon Corona Virus

Mareykanka oo looga dhawaaqay in laga soo saaray Daawo u roon Corona Virus
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 16 2020–Saynisyahanno ka tirsan shirkadda ku takhasustay cilmiga bayoolajiga ee California ayaa helay daawo wax ku ool ah oo loogu tala galay ka hortagga Cudurka Corona Virus sidda ay tabisay Fox News.

Shirkadaan waxa ay sheegaysaa in dawada loo yaqaan ‘STI-1499 antibody’ ay ka joojisay coronavirus inuu galo 100 boqolkiiba unugyada bini’aadamka caafimaadka qaba ka dib tijaabooyin la sameeyay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Shirkadda Sorrento waxaa lagu sheegay inay soo saari karto illaa 200,000 bilwaliba, islamarkaana ay u baahan tahay ogolaansho.

Shirkadda waxay ka dalbatay oggolaansho deg deg ah Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA), laakiin weli ma aysan helin .

‘Waxaan dooneynaa inaan carrabka ku adkeyno in ay jirto daawo” maamulaha Sorrento, Dr Henry Ji, ayaa u sheegay Fox.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment