309 Views

Madaxweynaha Tanzania oo haweenka kula talisay inay yareeyaan dhalmada badan

Madaxweynaha Tanzania oo haweenka kula talisay inay yareeyaan dhalmada badan
____________________________________________________________________________


 Isniin: OCTOBER 17, 2022

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Xasan ayaa walaac ka muujisay tirada carruurta faraha badan ee ku dhalaneyso dalkaas.

Waxay haweenka ka codsatay inay qaataan dawooyinka kala fogeeyay carruurta.

Waa tallaabo kasoo horjeedo go’aankii madaxweynihii hore ee Tanzania John Magufuli oo shacabka ku dhiirigeliyay in aysan adeegsan dawooyinka kala fogeeya carruurta si ay ilmo badan u dhalaan haweenka dalkaas.

Madaxweyne Samia oo dhawaan booqasho ku joogtay gobolka galbeedka dhaca ee Geita ayaa tiri, “Shaley waxaa la ii sheegay in xarun caafimaad oo ku taalla deegaanka Buselesele ay ku dhasheen 1,000 carruur ah muddo bil gudahood”.

“Bal kawaran adeega caafimaad ay u baahan yihiin carruurtan, saddex sano kadib- meeqaa fasal ayaa carruurta qaabili doonaa? Meeqa tan oo cunto ah ayay u baahnaan doonaan carruurtan? Waa in aan dhalmada yareynaa”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post