1845 Views

Gudoomiye Cali Gacal Casir oo laga reebay Shirka Garowe

Gudoomiye Cali Gacal Casir oo laga reebay Shirka Garowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 07, 2019 –Waxaa maanta gaaray Magaalada Garowe guud ahaan Guddoonada baarlamaanka maamulada Jubbaland, Hirshabeelle and Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale tagay Garowe ku Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, waxaana halkaasi ka furmi doona Shir socon doona Saddex maalmood oo looga hadlaayo horumarinta Goleyaasha xeer dejinta.

Shirkaan oo sanadkiiba mar la qabto waxaa Sanadkaan laga reebay Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Sababta looga reebay ayaa lagu sheegay in ay tahay in Madaxda Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb ay sheegeen in uusan matalin Xildhibaanada Galmudug.

Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ka taagan Jahwareer, waxaana uu u kula qeybsan yahay labo qeybood.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment