810 Views

Mareykanka oo Wafdi culus u diray qaar kamid ah wadamada Afrika

Mareykanka oo Wafdi culus u diray qaar kamid ah wadamada Afrika
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 30 2020—Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper ayaa maanta oo Arbaca ah billaabaya socdaal uu ku marayo waddamada kala ah Aljeeriya, Tuunis iyo Marooko.

Inta lagu guda jiro booqashadiisa, Esper wuxuu madaxda dalalkaas kala hadli doona sidii loo xoojin lahaa iskaashiga kala dhaxeeya waddamadaas iyo la dagaalanka ururada argagixisada.

Esper wuxuu socdaalkiisa ka billaabi doonaa dalka Tuunis, isaga oo la kulmi doona madaxwaynaha dalkaas Qays Saciid.

Esper ayaa Tuunis kaddib u socdaali doona Aljeeriya wuxuuna la kulmi doona madaxda dalkaas gaar ahaan taliyaasha ciidamada.

Esper ayaa noqon doona xoghayihii difaaca Maraykanka  ugu horeeyay  ee booqda Aljeeriya  muddo 15 sano ah.

Xoghayaha Mareykanka wuxuu booqashadiisa ku soo gabagebeyn doonaa maalinta Jimcaha ah dalka Marooko, isaga oo madaxda dalkaas kala hadli doona sidii ay u yeelan lahaayeen xiriir adag oo xagga amniga ah.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post