660 Views

Saraakiil ka tirsan amniga Israa’iil oo shaki ka muujiyay awoodda ay u leeyihiin weerar ay ku qaadaan Nukliyeerka Iran

____________________________________________________________________________

Isniin: December 20, 2021

 
Iyadoo Israa’iil ay ku hanjabtay inay burburin doonto barnaamijka Nukliyeerka ee Iraan haddii loo baahdo, isla markaana ay qaadayso tillaabo milatari, haddana qaar ka mid ah saraakiisha gaashaandhigga ayaa sheegay in Israa’iil aysan awood u yeellan doonin arrintaasi marka hadda la eego sida xaal yahay.

Warbixin lagu daabacay wargeyska New York Times, ayuu wasiirka gaashaandhigga Israa’iil Bani Gantz ku amray ciidamada Israa’iil inay u diyaar garoobaan hab milatari oo ay ku wajahaan dhaq-dhaqaaqyada

Nukliyeerka ee Iraan, iyadoo dadaallo dublamaasiyadeed la sameeyay si loo xakameeyo barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

Mr Gantz ayaa uga digay caalamka in hadii heshiiska cusub ee Nukliyeerka uusan ahayn xadidaad ku filan Iraan ay Israa’iil la wareegi doonto.

Balse Wargeyska The New York Times ,oo soo xiganaya saraakiil badan oo hadda ka tirsan milatariga Israa’iil iyo kuwo hore uga tirsanaa iyo waliba khubaro sarsare ayaa sheegay in waddanku aanu lahayn awood uu ku fuliyo weerar burburin kara ama xataa dib u dhigaya barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

Sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan amniga Israa’iil, waxay qaadan doontaa ugu yaraan laba sano si loogu diyaar garoobo weerar waxyeello weyn u geysan kara hubka wax gumaada ee Nukliyeerka Iran.

Khuburada iyo saraakiisha ayaa intaa ku daray in ay tahay arrin adag waxyeelleynta tobanaan goobood oo lagu farsameeyo hubka Nukliyeerka kuwaas oo haddana ku yaalla aag fogfog.


“Aad bay u adag tahay, waana inaan iraahdaa waa wax aan macquul ahayn, in la qaado weerar,” ayuu yiri Relic Schaefer, oo ah jeneraal ka fariistay ciidamada cirka Israa’iil, kana mid ahaa duuliyaashii weerarradii 1981-kii lagu qaaday xarumaha Nukliyeerka ee Ciraaq.

Sida laga soo xigtay Mr Schaefer, Iran waxay leedahay tobanaan goobood oo Nukliyeer ah, kuwaas oo qaarkood ku yaalla dhulka hoostiisa oo ay adag tahay in bambooyinka Israa’iil ay galaan oo ay si degdeg ah u burburiyaan.Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay awoodaha ciidamada cirka ee Israa’iil mid aaney suurta gal ahayn inay fuliyaan weerarkan oo kale oo meesha looga saaro Nukliyeerka dalka Iran.

“Dunida aan ku noolnahay, ciidamada cirka kaliya ee awooda inay sidaas sameeyaan waa ciidamada cirka ee Maraykanka,” Schaefer ayaa sidaasi yiri. Wareeg cusub oo ah wada-hadallada Nukliyeerka ee Iran ayaa dib u billowday kaddib muddo bilo ah oo ay hakad ku jireen, balse hadda waxaa muuqata inay yar tahay fursadda dib loogu soo nooleynayo heshiiskii Nukliyeerka ee Iraan 2015-kii.

Israa’iil ayaa dhowr ku celcelisay in haddii Iran loo oggalaado horumarinta hubka Nukliyeerka aaney gacmaha ka laaban doonin waxaana madaxda labada dhinac ay hawada isu mariyeen eedo iyo hadallo ay isku maagayaan.

Bishii Sebtembar ee sanadkan, taliyaha ciidamada Israa’iil, General Aviv Kochavi, ayaa sheegay in militarigooda ay ka go’an tahay diyaarinta weerar ka dhan ah Iraan”. Israa’iil waxey sameyneysaa wax kasta ha ku qaadatee inay hortagto in Iran ay hesho bam Nukliyeer ah”sidaa waxa yiri horraantii bishaan David Barnia, oo ah madaxa sirdoonka Israa’iil.

Booqashadii uu bishaan ku tagay Maraykanka, wasiirka difaaca Israa’iil Benny Gantz waxa uu si cad u sheegay inay u furantahay ciidanka Israa’iil inay isu diyaariyaan weerar milatari oo laga yaabo in ay ku qaadaan Iran.

Laakin dadka falanqeeya arrimahaan ayaa meesha ka saaraya suurtagalnimada weeraro Israa’iil ay ku qaaddo Iran xilligaan marka laga eego xaaladaha taagan iyo awoodda Israa’iil-ba. Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in weerar kasta oo lagu qaado Iran, uu horseedi karo weeraro aargoosi ah oo Xisbullah iyo Xamaas ku qaadaan Israa’iil maadaama ay xulufo la yihiin Iran.

Awoodda difaaca Iran ayaa sidoo kale aad uga xoog badan tii sanadkii 2012-kii, markii ugu dambeysay oo Israa’iil ay si dhab ah uga fikirto inay weerarto Iran. Goobaha Nukliyeerka ayaa sii xoogeystay, waxaana wadanku leeyahay gantaaloo badan oo halis badan gaysan kara.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post