840 Views

Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle oo fasax la geliyay

Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle oo fasax la geliyay
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 17 2021–
Kalfadhiga 1aad Fadhigiisa 18aad oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed oo uu wehlinaayo Gudoomiye kuxigenka 2aad Mudane Mahad Hassan Osman ayaa ka qabsoomay Caasimada Hirshabelle ee jowhar.

Kulankaan ayaa Ajendahiihu ahaa Dhageysiga warbixinada Guddiyada Xeer Hoosadka iyo Dastuurka Baarlamanka Hirshabelle.

Ugu horeyn Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka ayaa Xildhibaanada kahor Akhriyey Qodobadii ay dib u eegista iyo wax kabadalka ku sameeyeen Xildhibanada ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Sidoo kale Gudoomiyaha iyo Xoghayaha Guddiga Xeer Hoosadka ayaa Xildhibaanada uga warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay iyagoo Xildhibaanada kacodsaday in xildhibaanada ay gacan ku siiyaan Guddashada Waajibadkoda.

Sidoo kalena waxey Guddiga usoo jeediyeen Gudoonka Golaha inay ka shaqeeyan sidii Xildhibaanada u heli lahaayen xuquuqdooda Dastuuriga oo dhameystiran.

Gudoomiye kuxigenka  2aad Mudane Mahad Hassan Osman ayaa Guddiga Dastuurka ku booriyey in Dhamaan isbedelka lagu sameyay Dastuurka ay ku dabaqaan si nuqulka ugu dambeeya loogu qeybiyo xildhibaanada.

Ugu Dambeyn Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed ayaa xildhibaanada ku wergeliyey in la gaaray xiliga xiritaanka Kalfadhiga 1aad ee Baarlamanka isagoona tixgelinaya maareynta kalfadhiyada Golaha Laguna jiro xili uu soo laba kacleeyay Cudurka Safmarka ee Corona Virus (covid-19) waxuu ku dhawaaqay in laga bilaabo maanta oo taarikhdu tahay 17 February 2021 uu Kalfadhiga 1aad ee Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle uu xiran yahay.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post