777 Views

Qasaaraha ka dhashay Weerarkii Al-shabaab ee taliyaha ciidmada booliska oo soo kordhaya

Qasaaraha ka dhashay Weerarkii Al-shabaab ee taliyaha ciidmada booliska  oo soo kordhaya
____________________________________________________________________________

Sabti: July 10- 2021

 

Ku dhawaad 7 qof ayaa ku dhimatay Qaraxii saakay aroor hore ka dhacay afaafka hore ee isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho oo lala eegtay Taliyaha ciidmada booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamed Aadan oo loo yaqaan “Farxaan Qaroole” oo isagu ka badbaaday qaraxaas sida uu sheegay talsika booliska Soomaaliya.

Gaariga qaraxay ayaa lagu weeraray kolonyo uu la socday taliye Qaroole oo marayay meel u dhow isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya  ayaa goobta qaraxu ka dhacay gaaray  iyo kuwa caafimaadka oo iyagana goobta ka qaaday dadkii uu dhaawaca kasoo gaaray qaraxaas.

Sidoo kale Magaallada Muqdisho ayaa  meesha ugu badan ay ka dhacaan qaraxyada ismiidaaminta ah iyo kuwa loo adeegsado gawaarida, waxaana Qaraxii saakay ku dhaawacmay ku dhawaad 16 qof oo kale qaarkood soo gaareen dhaawacyo Halis ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post