840 Views

Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay dalka Kenya

Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay dalka Kenya
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 19, 2022

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay dileen ugu yaraan 15 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ku sugnaa keynta Boni ee gobolka Lamu.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay daba socdeen raadka dableyda Alshabab oo markii dambe loogu tagay saldhig ay kulahaayeen deegaanka Boodhei goobtaasi oo gabi ahaanba cagta ay mariyeen ciidamada Kenya.

Waxaa la rumeysan yahay in tuhmanayaashan ay ka dambeeyeen weerarro iyo dilal isdaba joog ah oo toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay qeybo ka mid ah gobolka Lamu.

Ka dib weerarradii ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof oo dadka deegaanka ah, dhowr gurina ay dhulka la simeen, dowladdu waxay ku dhawaaqday bandow 30-maalmood ah oo habeenka ilaa waagu ka baryay gobollada loo sifeeyay ‘goobaha ugu khatarta badan oo ay Al shabab weeraru ka geystaan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post