948 Views

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo qof Shacab ah ku dilay Dhuusamareeb

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo qof Shacab ah ku dilay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 30 2020–Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Askari ka tirsan Ciidanka dowlada Soomaaliya uu qof Shacab ah ku dilay gudaha Magaalada Dhuusamareeb.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Waabari ee Caasimadda Galmudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Askariga dilka geystay uu ka tirsan Ciidanka Booliska ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb.

Dilka ayaa yimid ka dib markii muran soo kala dhexgalay Askariga iyo Qofka Shacab ah ee la dilay.

Ciidanka Ammaanka ayaa ku howlan soo qabashada Askariga dilka geystay oo la sheegay in uu goobta ka baxsaday.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post