2079 Views

Dowladda Denmark oo ballan qaaday taageeridda hawlgalka AMISOM

Dowladda Denmark oo ballan qaaday taageeridda hawlgalka AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 29, 2018 – Danjiraha Denmark uga wakiilka ah dalalka Somalia, Kenya, Eritrea iyo Seychelles Ambassador Mette Knudsen ayaa Yaboohaasi ka sheegtay kadib, markii ay booqasho ku tegtay Xarunta Dhexe ee Hawlgalka ay Midowga Afrika ka wadaan  Somalia ee AMISOM.

Ambassador Mette Knudsen waxay Kulamo la qaadatay Madaxda Sare ee AMISOM, waxayna hoosta ka xariiqday sida loo baahan yahay inuusan Xilliga Kala-guurka wax u dhimin guulaha ay AMISOM gaareen 11-kii sanno ee ay Somalia joogeen.

Wxaay kaloo sheegtay inay Denmark ka go’an tahay  Taageeridda Hawlgalka AMISOM, gaar ahaan juhdiga lagu bixinayo Deganaanshaha Somalia iyo Qorshaha Xilliga Kala-guurka ee ay Askarta AMISOM kaga bixi doonaan dalka Somalia.

Dhinaca kale, Kaaliyaha Ergayga Garaka ee Midowga Afrika u jooga Somalia, Ambassador Simon Mulongo waxa uu Danjiraha Denmark uga mahad celiyey taageeradda ay Dowladda Danish-ka siiyaan Hawlgalka AMISOM si loo soo celiyo Nabadda Somalia.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment