945 Views

Ruushka oo xaqiijiyay tijaabada tallaalka cudurka coronavirus

Ruushka oo xaqiijiyay tijaabada tallaalka cudurka coronavirus
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 14 2020–Xarunta cilmi baarista ee Ruushku waxay sheegtey inay si guul leh ku dhammaystirtay tijaabooyinka caafimaad ee ugu horreeyay ee adduunka ee tallaalka cudurka coronavirus.

Vadim Tarasov, oo ah agaasimaha Machadka Ruusha ee Caafimaadka iyo cilmiga bayoolajiga, ayaa sheegay in tijaabooyinka caafimaad ee tallaalka ay si wanaagsan ku dhamaatay, islamarkaana ay tahay guul ay gaareen Shacab weynaha Ruushka.

“Badbaadada tallaalka waa la la xaqiijiyay, waxay ka dhigan tahay guul weyn oo ku saabsan Cudurka Corona vurus , waxaan sii wadi doonnaa dadaalkeena”ayuu yiri Agaasime Vadim Tarasov.

Sidoo kale saynisyahannada Shiinaha iyo Thailand ayaa sidoo kale u tartamaya sidii ay u bilaabi lahaayeen wajiyo cusub oo ay ku soo saarayaan tallaalladooda u suurtagalka ah ee COVID-19.

Ruushka, ayaa xaqiijiyay 719,449 oo ah kiisaska COVID-19, waana dalka afaraad ee ugu xun adduunka Cudurka Corona vurus.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post