1308 Views

Guddiga doorashooyinka Puntland oo lagu wareejisay qalabka casriga ah ee diiwaan-gelinta codbixiyaasha

Guddiga doorashooyinka Puntland oo lagu wareejisay qalabka casriga ah ee diiwaan-gelinta codbixiyaasha
____________________________________________________________________________

.

 May 9 2021

Shirkadda PIITECH ayaa maanta guddiga KMG doorashooyinka Puntland ku wareejisay qalabka casriga ah ee diiwaan-gelinta codbixiyaasha.

Guddiga ayaa shaaciyay in ay shirkadda PIITECH kala wareegeen qalabkan oo ka kooban server, computers, printers, IRIS iyo softwares koodii.

Qalabkan ayaa loo isticmaali doonaa diiwaan-gelinta codbixiyaasha oo dhowaan ka bilaaban doonta degmooyin ka tirsan Puntland.

Guddiga ayaa sheegay in ay saddex degmo si hordhac ah uga qaban doonaan doorashooyinka golayaasha degaanka oo ku salaysan hannaanka xisibiyada badan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post