999 Views

Ukraine iyo Ruushka: Ciidamada Muslimiinta ah ee ku biiray dagaalka uu Ruushku qaaday

Ukraine iyo Ruushka: Ciidamada Muslimiinta ah ee ku biiray dagaalka uu Ruushku qaaday
____________________________________________________________________________

 

.

 Arbaco: March 2, 2022

Maalintii Lixaad ayuu socdaa dagaalka cirka, dhulka, badda iyo hawada ah oo uu Ruushku ku qaaday waddanka deriska la ah ee Ukraine. Ciidamo Muslimiin ah ayaa ka barbar dagaallamaya kuwa Putin.

Cutubyo ka tirsan militeriga gobolka Muslimiinti dagan yihiin ee Chechnya ayaa maalmo ka hor ku biiray dagaalka, iyagoo gacan siinaya ciidanka Ruushka ee gudaha u galay Ukraine.

Ramzan Kadyrov, oo ah hoggaamiyaha gobolka Chechnya ee dalka Ruushka, oo ah nin ay saaxiib dhow yihiin madaxweyne Vladimir Putin, ayaa sheegay in dagaalyahannada Chechnya la geeyay Ukraine, isagoo shacabka Ukraine ugu baaqay in ay xukunka ka tuuraan dowladdooda.

Muuqaal dabayaaqadii isbuuca lasoo geliyay baraha bulshada ayuu Kadyrov ku sheegay in ciidanka reer Chechnya “uusan ilaa hadda soo gaadhin wax khasaare ah, iyaga iyo ciidamada kale ee Ruushkuna ay si fudud ku qabsan karaan magaalooyinka magaalooyinka waaweyn ee Ukraine, oo ay ka mid tahay Kyiv, balse ujeeddadoodu ay tahay sidii ay isaga ilaalin lahaayeen in uu qof ka dhinto.”

“Ilaa maanta, daqiiqaddan aan hadleyno, hal qof nagama dhimanin, mana naga dhaawacmin, xitaa hal nin hargab ma uusan nooga dhicin,” ayuu yidhi Kadyrov. Waxa uu inkiray warar soo baxay oo sheegayay in ay jab kala kulmeen ciidamada Ukraine.

Ninkan ayaa isku tilmaama inuu yahaya mid ka mid ah ciidamada dhulka ee Putin, hadalkiisana waxa uu la mid ahaa kii uu horay madaxweynaha Ruushku ugu jeediyay dadka reer Ukraine.

Muuqaal gaaban oo laga sii daayay telefishinka dowladda Ruushka ee RT ayaa Jimcadii lagu arkay kumannaan dagaalyahannada Chechnya ah oo isugu tagay duleedka caasimad goboleedka Grozny iyagoo muujinaya sida ay diyaar ugu yihiin dagaalka ka socda Ukraine.

Xilligaas ma kala caddeyn in ciidankaas oo RT uu tiradooda ku sheegay ilaa 12,000 oo askari ay horay u gaareen Ukraine iyo in kale.

Kaddib markii ay soo baxeen wararka iyo sawirrada muujinaya in ciidamada Chechnya ay ku sugan yihiin Ukraine si ay u caawiyaan militeriga Rushka ee howlgalka ka wada waddankaas, Mas’uuliyiinta Xarumaha Muslimiinta ee Ukraine iyo bulshada rayidka ayaa si wadajir ah u sheegay in aysan albaabada u furi doonin, wax raashin iyo hoy ahna siin doonin Muslimiintaas weerarka kusoo qaaday, sida ay tabiyeen qaar ka mid ah warbaahinta.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay in waddankiisa keligiis uusan ku guuleysan karin dagaalka uu kula jiro Ruushka.Dalalka reer Galbeedka ayaa wali wada cunaqabateynnada ay ku xoojinayaan Ruushka, iyagoo jawaab uga dhigaya dagaalka uu ku galay Ukraine.

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post