1251 Views

Madaxweyne Joe Biden oo kulan la yeeshay labada aqal ee baaralamaanka dalkaasi weerarna ku qaaday

Madaxweyne Joe Biden oo  kulan la yeeshay  labada aqal ee baaralamaanka dalkaasi  weerarna ku qaaday
____________________________________________________________________________

April 29-2021

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen labada aqal ee baaralamaanka dalkaasi waxa uu kaga warbixiyay wixii u qabsoomay 100-kii maalmood ee ugu horreeyay xukunkiisa.

Khudbaddiisii ugu horraysay ee uu labada aqal oo wadajira uu u jeediyay madaxweyne Biden ayaa waxa uu ku soo bandhigay qorshayaal lagu abuurayo shaqooyin, waxbarashada iyo adeegga bulshada.

Hasayeeshee qorshayaashaas ayaa waxaa aad uga soo horjeeda Xisbiga Jamhuuriga.

Wuxuu khudbaddiisa ku bilaabay inuu muujiyo waxa uu ku tilmaamay guuulaha tallaalka ee Mareykanaka taasoo wadada u xaaraysa in dib loogu laabto noloshii caadiga ahayd bilaha soo socda.

Wuxuu ku faanay in boqollaal kun oo shaqo oo cusub la abuuray 100-kiisii maalmood ee ugu horreeyay iyo sidoo kale in dhaqaalaha uu sare u kacay.

Wuxuu sheegay in maalgelintii dhowaan la ansixiyay ay gacan ka geysan doonta yareynta saboolnimada carruurta Mareykanka.

Biden wuxuu xildhibaannada u sheegay inay tahay inay tallaabo ka qaadaan – ama ugu yaraan ka doodaan – dib-u-habeynta socdaalka sababtoo ah waa hadal haynta shacabka Mareykanka.

“Aan joojino dagaalkeena badan ee la xiriira socdaalka,” ayuu yidhi.

Maamulka biden ayaa la taacalaya qulqulka muhaajiriinta ee ka soo galaya soohdinta Mareykanka iyo Mexico, iyagoona dib u celinaya dadka qaangaarka ah iyadoo lagu saleynayo siyaasadaha xilligii Trump hase yeeshee waxay qaateen tiradii ugu badneyd ee dadka waaweyn ee aan lala socon.

Waxuu soo jeedisay dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo xagga socdaalka isagoona carrabka ku dhuftay in qiyaastii 11 milyan oo qof oo aan sharciyeysnayn la bilaabo hannaankii sharci lagu siin lahaa si ay u muwaadiniin Mareykanka ah

Dhanka kale madaxweyne Biden oo ka hadlayay waddamada uu loollanka kala dhacxeeya ayaa sheegay In Mareykanka uusan gacmaha ka laaban doonin, shiinuhuna ma sii wadan doono hormarkiisa.

 Halka dhanka Ruushkana uu sheegay in Mareykanka uusan marnaba uga sii dari doonin xaaladda madaxweyne Putin hase yeeshee wuxuu yiri tallaabooyinka xukuumadda Moscow waxay yeelan doonaan kuwa cawaaqib xumo reeba.

Wuxuu khudbadiisa ku soo gabagabeeyay, isagoo u weecday weerarkii 6-dii Janaayo lagu qaaday Xarunta Capitol ee Mareykanka iyo khatarta dimuqraadiyadda ee waddammada kaligii taliyaasha ay majaraha u hayaan. Wuxuuna dadka Mareykanka u xaqiijiyay in Mareykanku guuleysan doono.

Maamulka Biden wuxuu si aad ah uga hadlay baahida loo qabo in la raaco xayiraadaha Covid-19, gaar ahaan xirashada maaskarada ama af xirka iyo kala fogaanshiyaha ugu yaraan 2 mitir.

Taasi waxay madaxweynaha iyo kooxdiisaba ka dhigeysaa mid ay si fudud u dhaleeceeyaan dadka dhaliila marka aysan raacin xeerarkaas laftooda.

Intii ay socotay khudbadda Biden, sharci-dajiyayaashu waxay kala fadhiyeen meelo kala gooni ah oo ka mid ah gudaha aqalka, iyagoo afka u xiran yahay.

Hase yeeshee, markii ay dhammaatay khudbadda madaxweynaha, waxay isugu soo urureen inay madaxweynaha hareereeyaan oo ay waqti la la qaataan xildhibaano kale.

Andrew Clark, oo ahaa arday ka soo qalin jabiyay maamulka Trump, ayaa si deg deg ah ugu timaamay hab dhaqan aan wanaagsanayn.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post