1050 Views

Xildhibaan Saabir oo ugu baaqay Taliska Booliska inay soo caddeeyaan geerida Marxuum Cabdi Seed

Xildhibaan Saabir oo ugu baaqay Taliska Booliska inay soo caddeeyaan geerida Marxuum Cabdi Seed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 08,, 2019  –Xildhibaan Cabdi Saabir oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ka hadlay Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska, kaasoo la sheegay inuu is daldalay, balse qoykiisa ay beeniyeen inuu isaga is dalay.

 

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Hey’addaha ammaanka inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan kiiskaas, isla markaana loo baahan yahay in la soo bandhigo faah faahin rasmi ah oo ku saabsan sababta ka dambeysa geeridiisa.

 

“Marxuum G/Dhexe Cabdi Cali Seed waxa uu ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Boliiska waxa uuna geeriyooday sida ka muuqata isaga oo ku guda jira waajibkiisii Qaranka isla markaasna xiran lebiskii ciidanka, waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta taliska ciidanka booliska iyo hay’adaha kale ee u xilsaaran in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan sida iyo sababta keentay geerida xanuunka leh ee Marxuum G/Dhexe Cabdi Cali Seed, warbixin dhameystirana ay la soo wadaagaan ehelada Marxuumka”ayuu yiri Xildhibaan Saabir.

 

Sarkaalka ciidan ayaa shalay la arkay, isagoo xarig qoorta ugu jiro, oo ka laad-laaday geed hortiis, oo ku yaalla gurigiisa, waxaana warar is khilaafsan ka soo baxayeen sababta ka dambeysa geeridiisa, inkastoo markii hore warar soo baxayay sheegayeen inuu isaga is dilay, balse markii dambe la beeniyay.

 

Meydka Sarkaalkan ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Booliska, iyagoo aasi doona, waxaana socda baaritaan ku aadan sababta ka dambeysa geeridiisa.

 

Deeqa Axmed oo ah xaaska sarkaalka ayaa sheegtay in seygeeda aanu is dilin, balse la dilay, waxaana ay xustay la soo wacay oo loo sheegay in dhulka uu degan yahay la duminayo oo laga doonayo inuu ka guuro, kadibna ay ka war heleen in meydkiisa la helay, waxaana ay dalbatay in baaritaan lagu sameeyo dilka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment