1059 Views

Xasan Sheekh oo xariga Wariyeyaasha ku tilmaamay dhaqan kelitalisnimo

Xasan Sheekh oo xariga Wariyeyaasha ku tilmaamay dhaqan kelitalisnimo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 15 2020 –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay dhibaatadda xarigga uu ka mid yahay ee lagu haayo Wariyeyaasha.

 

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya aysan caawineynin dhibaatadda Wariyeyaasha.

 

Dowladda Soomaaliya ayuu ka codsaday joojinta Xadgudubka lagu haayo Wariyeyaasha Soomaaliyeed meelwalba oo ay jooggaan.

 

Xiritaanka Wariye ka howlgalayay Muqdisho ayuu ku tilmaamay dhaqan kaligii talisnimo ah.

 

“In loo hanjabo oo la xidho saxafiyiinta si loo aamusiyo, ma caawineyso dimuqraadiyadda dalkeena aan jecelnahay ee Soomaaliya. Xadhiga weriyaha weyn Mr. Gurbiye, kana tirsan Goobjoog waa calaamad muujineysa dhaqan kelitalisnimo oo socda.” Sidaas waxaa yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment