945 Views

Mareykanka oo dib u celinaya agab qaddiimi ah oo laga xaday Ciraaq

Mareykanka oo dib u celinaya agab qaddiimi ah oo laga xaday Ciraaq
____________________________________________________________________________

Arbaco: july 28 2021

Dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in Mareykanka uu aqbalay in uu dib u soo celiyo 17,000 oo ah agab qaddiimi ah oo laga xaday goobaha taariikhiga ah ee dalkaas.

Wasiirka dhaqanka Ciraaq wuxuu sheegay in agabkan qaddiimiga ah lagu tiriyo inay jiraan ku dhawaad 4000 sano.

Waxaana kamid ah agab dhoobo laga sameeyay oo si sharci darro ah loogu dusiyay suuqyada farshaxanka ee Mareykanka.

Waxaana agabkan lagu qoray magaca Gilgamesh oo ah- sheeko ku saabsan boqorkii Mesopotamia.

Waxaa la bililiqeystay goobaha taariikhiga ah ee dalka Ciraaq gaar ahaan xilliggii Mareykanka uu duullaanka ku qaaday dalkaas sanadkii 2003.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post