960 Views

Maleweshiyad Macawiisley la mid ah oo ka dilaacay Mudug kuwaas oo la Dagaalamaya shabaab.

Maleweshiyad Macawiisley la mid ah oo ka dilaacay Mudug kuwaas oo la Dagaalamaya shabaab.
____________________________________________________________________________

Wrarka ka imaanaya Deegaanka Jiic-dheere ee Koofurta Mudug isla markaana hoostaga Bacaadweyne waxaa ka dhacay dagaal sababay dhimasho & dhaawac oo dhexmaray dad la sheegay in ay deegaanka yihiin iyo Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa dhimatay, halka saddex kale dhaawac soo gaaray kadib markii xalay dagaal uu dhexmaray Dad deegaan ah & Al-Shabaab sida ay saxaafada u sheegeen ilo kala duwan oo ku sugan Gobolka mudug.

Ciidamo katirsan qaybta 21-aad ee Xoogga Dalka ayaa gurmad ahaan ugu tagay dadkaan la sheegay in ay yihiin deegaanka isla markaana is uruursaday, waxaana lasoo warinayaa in ilaa haatan dhaq-dhaqaaqyo ciidan in uu ka jiro deegaanno dhowr ah oo katirsan Koofurta Mudug.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post