1116 Views

Xirfadlayaal caafimaad oo tababar loo soo gabogabeeyay

Xirfadlayaal caafimaad oo tababar loo soo gabogabeeyay
____________________________________________________________________________

Khamiis: March 17, 2022

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Qaybta Nafaqada ayaa soo gaba gabeysay Tababar 5 Maalin socday oo heerkiisu aad u sareeyay, kaa soo cinwaankisu ahaa Maareeynta Adeegga degdegga ah ee Nafaqadarrada isku dhafan ( Intagarated Management of Acute Malnutrition Training).

Tababarkan ayaa waxaa ka faiidaystay 35 xirfadlayaal Caafimaad oo iskugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal ka kala socday Isbitaalada De-Martini, Benaadir iyo Dayniile.

Tababarkan ayaa loogu talagalay in kor loogu qaado xirfadda shaqaalaha oo ku howlan latacaalidda cudurada ku dhaca carruurta, gaar ahaan Nafaqadarrada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post