1161 Views

War deg deg ah: kooxo Hubeysan oo Caawa Weerar ku qaaday Xabsiga Weyn ee Magaalada Boosaaso..

War deg deg ah: kooxo Hubeysan oo Caawa Weerar ku qaaday Xabsiga  Weyn ee Magaalada Boosaaso..
____________________________________________________________________________

Wararka ka imaanaya caawa magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Kooxo ku Hubeysan Hubka Nuucyadiisa kala duwan ay caawa Weerar ku qaadeen xabsiga wayn ee magaalada Boosaaso, waxaana halkaas ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaadki Weerarka qaaday oo iska cabin la kulmay.

Wararka ayaa sheegaya in Xabsiga wayn ee Boosaaso ay ku xiran yihiin Maxaabiis Danbiyo Culus galay oo ay ku jiraan Shabaab iyo Daacish ka Dagaalanto Putland.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa  dagaal la galay kooxda hubeeysan ee weerarka qaaday, waxaana magaalada Boosaaso laga maqlayay caawa Hubka Nuucyadiisa kala Duwan.

Sidoo kale Waxaa wali adag in la ogaado khasaaraha ka dhashay dagaalka caawa ka dhacay magaalada Boosaaso, mana jiro ilaa hada cid sheegatay masuuliyada weerarkan sidoo kale maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin dagaalka .

Dhinaca kale Xiliga uu dagaalka ka bilaawday halkaas ayaa ah saqdhexe oo ay dadka hurdaan, waxaana caawa magaalada Boosaaso ay magan u Noqotay dhawaqa Hubka daraandooriga u dhaca.

Kala Soco Bogan Wixii ku soo kordha arintaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post