729 Views

Ciyaaryahanka reer Masar Mohamed Aboutrika Oo lagu daray liiska Argagixisada sanadkii 2017- oo Maxkamad Xukuntay

Ciyaaryahanka reer  Masar Mohamed Aboutrika Oo lagu daray liiska Argagixisada sanadkii 2017- oo Maxkamad Xukuntay
____________________________________________________________________________

Muqdisho Qol  March 12  2021

Ciyaaryahankii howlgabka ahaa ee reer Masar Mohamed Aboutrika – oo loo arko inuu yahay cayaaryahankii ugu fiicnaa taariikhda qarankiisa – ayaa racfaankiisii ugu dambeeyay ee ahaa in magaciisa laga saaro liiska argagixisada.

Aboutrika ayaa liiskan lagu daray sanadkii 2017-kii iyadoo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay ururka la mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiin. Wuu beeniyay eedeymahaas, laakiin wuxuu u cararay Qadar.

Hadalka soo baxay Maxkamadda Dacwadda ee Masar ayaa la macno ah in Aboutrika uu liiska ku sii jiri doono laba sano oo dheeraad ah.

Aboutrika ayaa lagu eedeeyay in uu dhaqaale ku taageeray ururka Akhwaanul Muslimiin oo dawladda Masar ay u aragto urur argagixiso ah.

Sanadkii 2012kii wuxuu si rasmi ah u taageeray ol’olihii lagu doortay madaxwayne Maxamed Mursi oo xubin ka ahaa Akhwaanul Muslimiin.

Arrintan ayaa ka caraysiisay qaar ka mid ah taageereyaasha ciyaaryahankan oo mar ku guulaystay 2008dii Billadda ay BBC bixiso ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan Afrika.

Aboutrika wuxuu sidoo kale koobab waaweyn kula guuleystay kooxdiisii Al Ahly iyo xulka qaranka.

Qof kaste oo dawladda Masar ay liiska argagixisada ku darto waxaa lagu ganaaxaa in uu san dalka ka bixi karin waxaana laga xayiraa baasaboorkiisa iyo hantidiisa.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post