864 Views

Dagaal markale dib ugu qarxay degmada Guriceel

Dagaal markale dib ugu qarxay degmada Guriceel
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 24 2021=Dagaalka oo aad u culus una dhaxeeya Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna ayaa waxaa uu markale ka billowday degmada Guriceel, waxana la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu sigaar ah uga socdo Aaga Jaamacadda, halkaas oo ay aad ugu xoogan yhiin xoogaga Ahlusunna Waljamaaca.

Warraka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka socda iyo mid saaka ka dhacay Guriceel uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada dhinac, waxana dadka ku dhintay kamid ah Taliyihii Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ee Ciidanka Nabadsugida, Cabdiqani Maxamed Diiriye.

Xaalada Guriceel ayaa Maalintii labaad kacsan, waxaana dowladda Soomaaliya ay Guriceel kusii dabuleeysaa Ciidamo kala duwan si meesha looga saaro xoogag ahlusunna.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post