1065 Views

SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Dadka Baahiyaha Gaarka Qaba

SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Dadka Baahiyaha Gaarka Qaba
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 18 2019 —Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Cumar Maxamud maxamed (cumar filish) ayaa xafiiskiisa aqalka dowlada hoose ee xamar kulan gaar ah kula qaatay qaar kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku dhaqan degmooyinka gobolka banaadir isagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta maamulka gobolka banaadir iyo bulshada naafada ah.

 

Kulankani waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka banaadir iyo xog’hayaha guud ee gobolka banaadir,iyadoo duqa magaalada muqdisho uu warbixino quseeya xaalada dadka baahiyaha gaarka qaba ka dhageestay hoggaanka golaha naafada qaranka kuwaas oo sheegay iney dadka naafada ah u baahan yihiin daryeel gaar ah iyo iney helaan fursada lamid ah kuwa lasiiyo dadka lixaadkooda dhameestiran yihiin.

 

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane cumar maxamud maxamed (cumar filish) waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay garab istaaga dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo iney helaan fursada wax ku-ool ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment