864 Views

Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo baareysa go’aanka ilmo iska soo rididda

Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo baareysa go’aanka ilmo iska soo rididda
____________________________________________________________________________


Talaado: May 3, 2022

Dibadbaxayaal iska soo horjeeda ayaa mudaaharaad ka dhigay afaafka hore ee Maxkamadda Sare ee Mareykanka, kadib markii dukuminti la soo dusiyay lagu soo jeediyay inay u dhowdahay in meesha laga saaro xukunka lagu sharciyeeyay ilmo iska soo rididda ee waddanka oo dhan.

Fikradda qabyada ah ayaa sheegeysa xukunkan taariikhiga ah ee soo taxnaa ku dhawaad ​​​​50-ka sano, in lagu saleeyay sabab daciif ah oo aan maan-gal ahayn.

Go’aanka kama dambaysta ah ayaan soo bixi doonin illaa horraanta bisha toddobaad ee sanadkan.

Qareenada difaacaya sharcigan ayaa waydiistay maxkamada intii lagu jiray doodii December ee la soo dhaafay in ay baabi’iso go’aamadii hore ee taariikhiga ahaa ee la xiriira ilmo iska soo rididda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post