1764 Views

Wasiirada Amniga & Taliyeyaasha Ciidamada Dowlad Goboleedyada Oo Kulan Yeelanaya

Wasiirada Amniga & Taliyeyaasha Ciidamada Dowlad Goboleedyada Oo Kulan Yeelanaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Oktoobar 27 2018 —Dowlad Goboleedyada ayaa bilaabaya qorshaha ay ku dhisi karaan Ciidamo isku-dhaf ah kuwaaas oo ay ku go’aamiyeen shirkii Golaha Iskaashiga ay ku yeesheen Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa sheegay in qoshahaas uu bilaabanayo,isla markaana todobaadkaan Gudihiisa ay magalada Kismaayo shir ku yaalanayaan Wasiirada Amniga iyo taliyeyaasha Ciidamada Dowlad Goboleedyada.

Waxa uu sheegay in shirkaasi diirada lagu saari doono qaabka loo marayo dhismaha Ciidamada Isku-dhafka,sida ay ku heli karaan tababarada iyo nooca ay noqonayaan.

Isaga oo sii hadlayay ayuu raaciyay in Ciidamadaas markii la dhiso oo ay tababar helaan ay wax badan amniga waxka qabaan doonaan,sida in deegaanada Dowlad Goboleedyada ay siwadajir ah howlgallo uga fuliyaan.

Arrinta keentay in Dowlad Goboleedyada ay shaaciyaan inay sameysanayaan ciidamo u gaar ah ayaa ka dhalatay khilaafka xoogan ee waqtigaan u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada kaa soo aan weli wax xal ah loo helin.

Magalada Kismaayo ayaa waxaa horay loogu qabtay shirkii Saddexaad ee Golaha Iskaashiga,waxana todobaadkaan ka dhacaya shir ay yeelanayaan Wasiirada Amniga iyo taliyeyaasha Ciidamada Dowlad Goboleedyada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment