501 Views

Iran oo xabsiga dhigtay dad ay sheegtay iney u basaasayeen Israa’iil

Iran oo xabsiga dhigtay dad ay sheegtay iney u basaasayeen Israa’iil
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 1, 2022

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in dhowr qof oo ka tirsan dadka aaminsan caqiidada Bahaay, oo Iran laga mamnuucay, la xiray laguna eedeeyay inay u basaasayeen Israa’iil. Balse lama oga inta qof oo la xiray.

Wasaaradda sirdoonka Iran ayaa sheegtay in tuhmanayaasha la faray inay gudaha u galaan xaruumaha waxbarashada, gaar ahaan xaruumaha xannaanada carruurta ee dalka oo dhan.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay u aragtaa Bahaay, oo sheegta inay Iran ku leeyihiin dad aaminsan oo gaaraya 300,000 ay yihiin dad ‘faasiqnimo’ aaminsan.

2018-kii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar uu Tehran ugu baaqayo inay soo afjarto xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhanka ah diimaha laga tirada badan yahay, oo ay ku jiraan Bahaay..

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post