987 Views

Xamaas “ Yahuudda waxay Heli Doonaan jawaab ay ku hilmaman dulqaadka

Xamaas  “  Yahuudda waxay Heli Doonaan jawaab ay ku hilmaman  dulqaadka
____________________________________________________________________________

May 12 2021

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ee reer Falastiin ayaa sheegay in cid kasta oo dooneysa in ay dhexdhaxadin ka sameeyso Falastiin iyo Isra’iil, ay marka hore xoogga saarto in ay Yahuudda joojiso gardarrada ay ku hayso Ummadda reer Falastiin.

Casat Al-Rishqi, oo ah xubin katirsan xafiiska siyaasadeed ee dhaqdhaqaaqa Xamaas, ayaa shaaca ka qaaday, in ay jiraan dhinacyo waddo dadaalo ay ku doonayaan sidii loo heli lahaa xasilooni u dhexeeysa Israa’iil iyo Falastiin, gaar ahaan xaalada ka taagan Marinka Qasa iyo Qudus, balse waxuu sheegay in dhankooda ay ku  wargeliyeen in marka hore  Yahuudda ay joojiso weerarada gardarada ah ee ay ku soo qaaday dhulka Falastiin..

Go’aankeenna waa in marka hore la joojiyo weerarada  gardarrada ah ee ay wadaan xoogaga Sahyuuniyadda, sida duqeymaha bahalnimada ah ee lala beegsanayo dadka rayidka ah ee Marinka Qasa, ayuu yiri: Al Rishqi

“Waxaan uga dignay Ciidamada Yahuudda inay sii wadaan falalka gardarada ah ee ay ku ahayaan shacabkeena, haddii kale waxay naga filandoonaan jawaab ay ku tijaabin doonaan dulqaadka iyo naxdinta” sidaas waxaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay Xamaas.

Sidoo kale Dadka Falastiiniyiin ayaa beryahii danbe la kulmayay  weerarro joogtada ah oo u badan duqeymo, kuwaa oo intooda badan ka dhacay marinka Qasa iyo Qudus.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post