738 Views

Dowladda Ukraine oo ku eedeysay Ruushka beegsiga iskuullo iyo isbitaallo

Dowladda Ukraine oo ku eedeysay Ruushka beegsiga iskuullo iyo isbitaallo
____________________________________________________________________________

Axad: March 6, 2022

Ruushka ayaa duqeeyey bartilmaameedyada rayidka ah ee Ukraine, oo ay ku jiraan isbitaallo, goobaha carruurta lagu xanaaneeyo iyo iskuullo, sidaasi waxaa tiri ra’iisul wasaare kuxigeenka Ukraine.

Olha Stefanishyna, ayaa BBC-da u sheegtay in kadib iska caabin xooggan oo kaga timid ciidamada Ukraine, uu dhacey “hawlgal aad u weyn” oo Ruushku ku bartilmaameed sanayey dadka rayidka ah.

Waxey ku eedeysay Ruushka “iney dajiyeen qorshe argagaxisnimo”, oo ay weeraro kasoo qaadeen dhanka hawada iyo sidoo kale dhulka.

Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa sidoo kale sheegay in xarumaha caafimaadka la weerarayo.

“Hey’adda caafimaadka adduunka (WHO) waxey xaqiijisay dhowr weerar oo lagu qaadey goobaha daryeelka caafimaadka Ukraine, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac badan,” ayuu yiri Axaddii aggaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Dowladda Ingiriiska, ayaa ku eedeysay Ruushka inuu bartilmaameed sadey goobaha ay dadku ku badan yihiin, oo meelo kala duwan ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post